DASTUURKA SOMALILAND PDF

Kuwani waa bogag dibedda ah, waxayna ku furmayaan bog cusub. Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqay xukuumadda Soomaaliya iyo dowlad gobolleedyada xubnaha ka ah inay wadashaqeyn dhaw yeeshaan. Arrimahaasi ayaa waxaa lagu sheegay kulan gaar ahaa oo goluhu uu kaga hadlayay dhacdooyinkii waaweynaa ee Soomaaliya ka dhacay muddadii u dhaxaysay Diseembar ilaa 4-tii bishan May Raisedon Zenenga oo ah ku xigeenka madaxa xafiiska Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya ayaa golaha ammaanka u sheegay in howlgalka UNSOM uu sannadkan ugu billowday dhibaatooyin dhanka amniga ah oo ay kamid yihiin weerarkii lagu qaaday Xalane iyo qalalaasaha siyaasadeed ee horseeday in dowladda Soomaaliya ay dalkeeda ka eridday wakiilkii xog-hayaha Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Nicholas Haysom. Waxaa uu sheegay inay sameeyeen dadaallo siyaasadeed oo dib loogu soo celinayo xiriirkii kala dhexeeyay dowladda Federaalka ee Soomaaliya. Safiirka Shiinaha u fadhiya Qaramada Midoobey ayaa ka codsaday beesha caalamka in dowladda Soomaaliya ay taageero dheeraad ah ka siiyaan xoojinta arrimaha amniga iyo dib u dhiska ciidammada.

Author:Vudozragore Kagagal
Country:Iceland
Language:English (Spanish)
Genre:Career
Published (Last):24 October 2016
Pages:219
PDF File Size:4.90 Mb
ePub File Size:17.4 Mb
ISBN:428-9-46009-629-6
Downloads:66909
Price:Free* [*Free Regsitration Required]
Uploader:Vudosho



Hawsha Guddida Cadaaladda Xubinta 2aad Qod. Magacaabidda Xubnaha Guddida Culimada Qod. Bannaanaanshaha Xubinimada Guddida Culimada Qod. Xeerka Hay'adaha Xubinta 4aad Qod. Shareecada Islaamka. Go'aan qaadasho ku timaadda talo-wadaag. Isu-dheellitirnaanta awoodda dawladnimo oo u qaybsanta; Sharci-dejinta, Fulinta iyo Garsoorka. Baahinta iyo hoos-u-daadejinta maamulka Xukuumadda Decentralisation. Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland 6 kh. Dammaanad-qaadista lahaanshaha gaar ahaaneed iyo xaq dhowridda suuqa xorta ah.

Qiimo-weynida nolosha qofka oo la imanaysa sugidda xuquuqda asaasiga ah iyo xorriyadaha qofka. Nabadgelyo iyo habsami kula dhaqanka dawladaha gobolka iyo adduunweynaha. Awoodda iyo karaamada Qaranimada waxa leh shacbiga; wuxuuna u adeegsanayaa si waafaqsan Dastuurka iyo xeerarka kale. Dhulka Qaranku waa muqaddas; waana laguma xad gudbaan.

Qof kasta oo u dhashay Somaliland, kana issirran dadkii deggenaa dalka Somaliland 26kii Juun kii iyo ka hor, waxa loo aqoonsanayaa muwaadin Somaliland. Xeer baa caddaynaya sida lagu heli karo ama laga waayi karo jinsiyadda Somaliland. Diinta Qaranka Somaliland waa Diinta lslaamka; waxaana geyiga Somaliland ka reebban faafinta diin aan ahayn Diinta lslaamka. Xeerarka dalka waxaa laga qaadanayaa Shareecadda lslaamka; waxaana reebban wixii xeer ah ee ka soo horjeeda.

Dawladdu waxay oogaysaa shacaa'irta dimiga ah umuurta Diinta ; waxaanay fulinaysaa axkaamta Shareecadda. Sidoo kale waxay ka hortegaysaa fisqiga iyo anshax- xumada.

Tirsiga taariikhda waxa laga raacayaa tan lslaamiga ah ee Hijriyada iyo tan Miilaadiyada ah. Afafka kale waxa loo adeegsan karaa wixii looga maarmi waayo. Calanka Jamhuuriyadda Somaliland wuxuu ka kooban yahay saddex midab oo isle'eg oo ballaadh u goglan. Midabka sare waa Doog, dhexdiisana ay ku qoran tahay Laa-llaaha llla-Lahu Muxamedu Rasuul-Allaah oo Far-Carabi ah, oo midab cad ah; midabka dhexe waa caddaan ay badhtanka kaga taallo xiddig madow oo shan geesley ah, madaxyo simanna leh; midabka hoose waa casaan saafi ah.

Laba caleemood oo doog ah ayaa hoosta iyo hareeraha kaga wareegsan Galaydhka; labada caleemood baarkooda inta u dhaxaysa waxa ku qoran "Bisinka" oo Far Carabi ah. Heesta Qaranku waa mid muujinaysa bartilmaameedyada Dastuurka, caqiidada ummadda, hab-dhaqmeedka wadatashi; waxanay yeelanaysaa miyuusik u gaar ah oo ka duwan kuwa dalalka kale; waxaana lagu soo saarayaa xeer. Wax-ka-beddelka ama bedelaadda calanka, astaanta, iyo heesta qaranka, waxa jidaynaya go'aan Golaha Wakiilada.

Muwaadiniinta Somaliland iyadoon lagu kala saarayn midabka, qabiilka, dhalashada, luqada, lab iyo dhedig, hantida, mudnaanta, afkaarta iwm, waxay sharciga hortiisa ku leeyihiin xuquuq iyo waajibaad siman.

Kala sarraynta iyo takoorka ku salaysan issirka, abtirsiga, dhalashada iyo deegaanku waa reebban yihiin, isla markaa barnaamijyada lagu cidhib tirayo dhaqamada xunxun ee soo jireenka ah waa waajib Qaran.

Ajaanibka dalka Somaliland sharci ku jooga waxay xeerka hortiisa ku leeyihiin xuquuq Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland 9 iyo waajibaad la siman tan muwaadiniinta, oo ay ka reebban tahay xuquuqda siyaasiyiga ah ee muwaadiniinta u gaarka ah. Nidaamka siyaasadeed ee Jamhuuriyadda Somaliland waxa saldhig u ah nabad, talo-wadaag, dimuqraadiyad iyo hannaanka xisbiyada badan. Tirada xisbiyada siyaasiga ah ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland kama badnaan karaan saddex 3 xisbi.

Jamhuuriyadda Soomaaliland waxay dhawraysaa heshiisyadii ay Dawladdii hore loo odhan jiray Soomaaliya la gashay shirkad ama dawlad shisheeye, haddii aanu ka hor imanayn danta iyo maslaxadda Jamhuuriyada Soomaaliland.

Jamhuuriyadda Soomaaliland waxay aaminsan tahay mabaadi'ida aayo-ka-talinta ummadaha adduunka. Waxay aaminsan tahay in khilaafaadka siyaasiga ah ee abuurma lagu xallilo dariiq nabadeed iyo wada-hadal; waxay dhawraysaa jiritaanka soohdimaha dalalka kale. Waxay ku dadaalaysaa in colaaddii raagtay oo dhex ooli jirtay dalalka Geeska Afrika lagu beddelo is af-garad iyo isku soo dhawaansho.

Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waxay ka soo horjeeddaa falalka argagaxis-nimada iwm, ujeeddo kasta ha lahaadeene. Si loo xaqiijiyo kobcinta wax-soo-saarka, kor-u-qaadidda heerka nolosha, abuuridda goobo shaqo, iyo guud ahaan horumarinta dhaqaalaha dalka, Dawladdu waxay dejinaysaa siyaasadda guud ee dhaqaalaha, oo ku salaysan mabaadi'da suuqa xorta ah iyo is-garabsiga hantida gaar ahaaneed; hantida wadareed, hantida Qaranka iyo maalgelinta shisheeyaha.

Maal-gelinta shisheeyaha ee dalka gudahiisa Dawladdaa damaanad qaadaysa; xeer baana lagu nidaaminayaa. Dhulku waa hanti guud oo ka dhaxeeya Ummadda; mas'uuliyadiisana Dawladdaa leh. Daryeelka iyo ilaalinta maalka iyo awqaafta iyo hantida guud waa waajib saaran Dawladda iyo muwaadiniinta, waxaana geexaya xeer.

Xukuumaddu waxay awood u leedahay inay yeelato, gacanta ku hayso, hanti-guurto ama ma-guurto ah, inay ubsato, iibiso, kiraysato, kirayso, ku bedelato qiimo u dhigma ama ku samayso hantidaas tasaruf kasta oo sharciga waafaqsan. Khayraadka dabiiciga ah ee dalka waxaa mas'uul ka ah Dawladda-dhexe, waxaanay qaadaysaa tallaabo kasta oo suurta gal ah si loo baadho, loogana faa'iidaysto khayraadka ku jira berriga iyo badda dalka.

Ilaalinta khayraadka dabiiciga ah iyo sida ugu habboon ee looga faa'iidaysan karo xeer ayaa qeexaya. Hantida guud ee lahaanshaheeda ama ka faa'iidaysigeeda loo baahdo in Ia wareejiyo waxay ku wareegi kartaa si xeerka waafaqsan.

Dawladdu waxay dhiirri-gelinaysaa wax-soo-saarka wadaniga sida beeraha, xoolaha nool, kalluunka, macdanta, faleenka, xabagta iyo warshadaha ku shaqeeya wax-soo-saarka wadaniga ah. Sekadu waa rukun lslaamiya, habaynteedana waxaa caddaynaya xeer-gaar ah. Waxa kale oo Ia suurto-gelinayaa furitaanka Baanan ganacsi iyo horu-marineed iyada oo mudnaanta Ia siinayo kuwa gaar-ahaaneed.

Waajibinta cashuuraha iyo wixii takaaliif ah waxa loo eegayaa danta iyo maslaxadda bulshada. Sidaa darteed, cashuur ama takaaliif aan xeer jidayn lama qaadi karo. Curinta, dhaafidda iyo wax ka beddelka cashuuraha iyo wixii takaaliif ah ee kale xeer ayaa jidaynaya. Ribada iyo macaamilooyinka ganacsi ee dhib u leh bulshada iyo ku xoolaysiga sifo aan sharci ahayni way reebban yihiin.

Dawladdu waxay mudnaan gaar ah siinaysaa horumarinta, ballaadhinta iyo faafinta cilmiga iyo tacliinta, iyadoo u aragta inay waxbarashadu tahay maalgelinta ugu habboon ee kaalinta ugu weyn ka qaadan karta horumarinta siyaasadeed, dhaqaale iyo bulsho.

Waxbarashadu waa mid u danaynaysa dadweynaha, kuna habaysan waayaha iyo deegaanka gaar ahaaneed ee bulshada Somaliland. Barashada iyo tarbiyadda Diinta lslaamku waa dariiqad asaasi ah; dhammaan heerarka waxbarashadana waa ku khasab, isla markaana horumarinta dugsiyada Qur'aanku waa waajib saaran Dawladda.

Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland 11 4. Muwaadiniinta iyo shisheeyaha dalka deggeni waxay furan karaan dugsiyo iyo barnaamijyo waxbarasho iyo tababaro oo heer kasta ah oo waafaqsan xeerka waxbarashada. Dawladdu waxay mudnaanta koowaad siinaysaa waxbarashada asaasiga ah; waxaanay u hawl galaysaa in gobollada iyo degmooyinka lagu baahiyo waxbarashada asaasiga ah.

Cidhib tirka akhris-qoris la'aanta iyo waxbarashada dadka waaweyni waa waajib ummadeed waana in shacab iyo Dawladba awood la isugu geeyo fulinta waajibkaas. Siyaasadda Qaran ee waxbarashada asaasiga ahi waa lacag la'aan. Si dhallinyarada loogu xaqiijiyo koritaanka jidhka iyo maskaxda oo caafimaad qaba, korna loogu qaado barbaarintooda iyo dareenkooda Dawladdu waxay ahmiyad gaara siinaysaa horumarinta iyo dhiiri-gellinta ciyaaraha jidhka iyo isboortiga, kuwaas oo loo aqoonsan doono maadooyinka asaasiga ah oo ka mid ah manhajka waxbarashada dugsiyada dawladda iyo kuwa kale.

Dawladdu waxay horumarinaysaa cilmiga iyo suugaanta; waxayna dhiirigelinaysaa hal-abuurka iyo cilmi-baadhista. Xuquuqda qoraalka, hal-abuurka iyo hindisaha xeer ayaa caddaynaya.

Dawladdu waxay horumarinaysaa hiddaha iyo dhaqanka suubban ee bulshada iyada oo isla markaa laga faa'iidaysanayo aqoonta bulshada adduunka. Waxa si gaar ah loo dhiirri gelinayaa fanka, suugaanta iyo ciyaaraha wadaniga ah, iyadoo la dhawrayo aadaabta lslaamka. Dawladdu waxay horumarinaysaa hiddaha iyo dhaqanka suubban ee bulshada, waxayna tirtiraysaa caadooyinka wax u dhimaya Diinta, horumarka, dhaqanka iyo caafimaadka bulshada.

Samaynta khamriga iyo beerista ama ka ganacsiga iyo isticmaalka maandooriyuhu geyiga Somaaliland way ka reebban yihiin. Dawladdu iyadoo fulinaysa siyaasadda daryeelka caafimaadka guud, waxa waajib ka saaran yahay ka-haqab-tirka dalka qalabka ka-hortagga cudurrada faafa, helitaanka daaweyn lacag Ia'aan ah iyo daryeelka fayo dhawrka guud.

Dawladda waxa xil ka saaran yahay horumarinta iyo baahinta adeegyada caafimaadka iyo xarumaha daryeelka caafimaadka ee gaarka ah. Dawladdu waxay mudnaan gaar ah siinaysaa ilaalinta iyo fayo-qabka deegaanka oo asaas u ah caafimaadka bulshadda iyo dhawrista khayraadka dalka. Sidaas darteed, habdhaqanka iyo waxyeelada loo gaysto deegaanka xeer ayaa qeexaya. Aafooyinka dhaca sida abaaraha, duufaanada, cudurrada faafa, dhul gariirka iyo dagaalada waxay Dawladdu ka yeelanaysaa ku-talagal.

Dawladdu waxay xil iska saaraysaa caafimaadka, daryeelka, xannaanada iyo waxbarashada hooyada, dhallaanka, naafada cid xannaanaysa aan lahayn iyo dadka aan xiskoodu dhammayn ee aan lahayn awood iyo cid kafaalaqaada. Shaqadu waa xaq uu leeyahay kuna waajib ah, muwaadin kasta oo gudan kara.

Sidaas darteed, dawladdu waxay xil iska saaraysaa shaqo abuuris iyo tayaynta tababarada shaqaalaha. Ka shaqeysunta carruurta, haweenka, shaqeynta saacadaha habeenimo iyo goobaha shaqada, fasaxyada iyo saacadaha shaqada waxaa qeexaya Xeerka Shaqada. Shaqaaluhu waxay xaq u leeyihiin mushahar u dhigma hawsha ay qabtaan, waxayna qof ahaan ama urur ahaanba gorgortan la geli karaan loo shaqeeyaha, waxana reebban shaqada oo Ia isku khasbo.

Dawladdu waxay ku dadaalaysaa in ay ka dhex abuurto shaqaalaha iyo loo shaqeeyaha is-afgarad iyo xaqsoorid iyada oo sidaas xeer ku soo saaraysa. Shaqaalaha dawladdu iyo xubnaha ciidamada qalabka sida waxay xaq u Ieeyihiin gunnada hawl-gabka iyo kaalmada bukaanka ama shilka iyo kaalmada qofka naafooba oo xeerka waafaqsan. Dawladdu waxay horumarinaysaa habka taakulaynta, caymiska iyo badbaadinta shaqaalaha waxaanay xoojinaysaa hay'adaha ku shaqada leh.

Waaxaha Xeer-dejinta, Fulinta iyo Garsoorka ee Qaranka iyo kuwa dawladaha hoose ee gobollada iyo degmooyinka Jamhuuriyadda Somaliland heer kasta ha ahaadeene, waxay u hoggaansamayaan shuruucda ku cad qodobada xubintan.

Qodobada la xidhiidha xuquuqda iyo xorriyaadka aasaasiga ah waxa loo fasirayaa si waafaqsan bayaannada caalamiga ah ee xuquuqda aadamaha iyo xeerarka caalamiga ah ee Dastuurka ku xusan. Muwaadin kasta wuxuu xaq u leeyahay in uu ka qayb galo hawlaha siyaasadeed, dhaqaale, bulsho1 iyo hiddaha si waafaqsan xeerarka iyo Dastuurka. Muwaadin kasta oo buuxiya shuruudaha xeerku tilmaamayo wuxuu xaq u Ieeyahay in la doorto, waxna uu doorto.

Qof kasta oo muwaadin ah ama si xeerka waafaqsan dalka ku jooga, waxa uu xor u yahay in uu dalka ka maro ama ka dego meel kasta oo uu doono, iyo weliba in uu ka baxo ama ku soo Iaabto dalka marka uu doono. Arrimaha ku xusan faqradda 1aad ee qodobkan waxa ka reebban meelaha ama waqtiyada xeerku ka reebo mariddeeda ama degitaankeeda.

Muwaadiniintu waxay xor u yihiin in ay isu habeeyaan ururro siyaasadeed, cilmiyeed, dhaqameed, bulsheed, xirfadeed, ama kuwa shaqaale si waafaqsan xeerka. Waxaa reebban urur kasta oo leh ujeeddooyin lid ku ah danaha ummadda ama qarsoodi ah ama Ieh qaab ciidan ama hubaysan amaba kuwa kale ee khilaafsan xeerka weji kasta ha lahaadeene. Nafta aadamuhu waa deeq llaahay, waana qaali; qof kastaana wuxuu xaq leeyahay noloshiisa, wuxuuna ku waayi karaa oo keliya marka maxkamad horteed uu ku caddaado dembi uu xeerku jideeyey in dil lagu mutaysan karo.

Qofku wuxuu xaq u leeyahay in la nabad galiyo jidhkiisa; ciqaabta jidhka iyo wax yeelo kasta oo loo geysto way reebban tahay. Qof kasta wuxuu xaq u leeyahay in la xurmeeyo sharaftiisa, sumcadiisa iyo noloshiisa gaar ahaaneed. Qofna xorriyaddiisa loogama qaadi karo si aan xeerka waafaqsanayn. Ma bannaana in qofna la qabto, la baadho ama la xayiro, haddii uusan markaa dembi faraha kula jirin, ama aanu amar qabasho oo sababaysan ku soo saarin Garsoore awood u lihi. Dawladda ayaa muwaadiniinta u dammaanad qaadaysa xuquuqda iyo xorriyadaha.

Xeer ayaa qeexaya ciqaabta ka dhalan karta ku xad gudubkooda. Dhammaan xorriyaaka qofka waxa shardi ah in ayna ka hor iman xeerarka anshaxa guud, xasiloonida dalka ama xuquuqda qofka kale. Ciqaab iyo dembi waa wixii qodob xeer ama qaanuun jideeyey, waxaana reebban in ciqaabta loo fuliyo hab aan xeerka waafaqsanayn.

Mas'uuliyadda dembi ciqaabeed waxay ku kooban tahay cidda geysatay oo keliya. Eedaysanuhu waa dembi-laawe inta aanu maxkamad horteed kaga caddaanin dembi.

BCD996T MANUAL PDF

Dastuurka Somaliland

Hawsha Guddida Cadaaladda Xubinta 2aad Qod. Magacaabidda Xubnaha Guddida Culimada Qod. Bannaanaanshaha Xubinimada Guddida Culimada Qod. Xeerka Hay'adaha Xubinta 4aad Qod. Shareecada Islaamka.

M.L.ANDREASEN BOOKS PDF

UN: Somaliland waxay saameyn ku yeelaneysaa dib u eegidda dastuurka Soomaaliya

Siyaasadda portal. Its version dib-u-soo daabacay ka kooban Hordhaca ah Arar iyo shan cutubyada ugu weyn Qaybo kuwaasoo mid walba uu yahay sub-qaybsan Qaybo Xubno. Hadda waxaa jira guud ahaan Articles Qodobo marka loo eego hore Articles. Somaliland ayaa dukumentiyada kale ee dastuuriga ah ee muhiimadda taariikhiga ah oo ka heshiisyada caalamiga ah ee ay beelaha Somaliland kala duwan saxiixday dawladda Britain u dhaxayn, iyo diyaarinta dastuurka kala duwan ka hor xornimada in Declaration of Dib-u-caddaynta of Xukunka ee Burco oo ka mid ah shirarka horeyn grand oo ka mid ah beelaha Somaliland. Inkastoo Jamhuuriyadda Somaliland wuxuu ahaa madax-bannaan muddo gaaban ee June , waxaa ka dib midaysan la Talyaani Somaliland si ay u sameeyaan Soomaaliya. Inta lagu jiro muddada gaaban in dastuurka dhamaystiran ma la ansixiyay. The State of Somaliland lahaa gaar Dastuurka waxaa la qoray horraantii kii, oo ahaa kooban meel.

CONIZACION CERVICAL PDF

.

Related Articles